Maxbuus ku dhintay Xabsi Dhexe ee Xamar [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxbuuskaan oo ku jiray Xabsiga dhexe ee Xamar, ayaa waxaa lagu magacaabayay Burhaan Cali Jimcaale, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen saraakiil ka tirsan Xabsiga.

Marxuum Jimcaale ayaa waxaa la sheegay inuu ku jiray Xabsiga tan 2014-kii, islamarkaana lagu xukumay Xabsi daa'in, inkastoo uu mudooyinkii dambe ahaa qof xanuunsanayay.

Sida uu xaqiijiyay Maxamed Cumar oo ah taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar, Marxuumka waxaa laga helay cudurka TP-da, kaasoo uu tilmaamay inay wadeen maalmihii udambeeyay sidii ay uga wayn lahaayeen.

"Geeridu waa xaq. Inaga ahaan, waan sameynay dadaalo si aan wax uga qabano xaaladiisa caafimaad, waxaana laga helay cudurka TP-da," ayuu Taliye Cumar u sheegay warbaahinta Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Marxuumka la filayo in meydkiisa lagu wareejiyo qoyskiisa si ay u aastaan, inkasta oo laga yaabo inay aasaan saraakiisha Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Ma cadda dambiga lagu soo eedeeyay Burhaan Cali Jimcaale ee loogu xukumay Xabsi daa'inka, iyadoo mar wax laga weydiiyay taliye Maxamed Cumar arrinkaas uu ka gaabsaday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo xabsiga dhexe ee Xamar uu ku dhex-dhinto Maxbuus, maadaama horey looga soo wariyay kiisas noocaan ah, kuwaasoo ahaa in Muxbuus ay ugu dhinteen xanuuno haleelay, oo la daaweyn karo.

Xabsiga dhexe ee Muqdisho oo ay ku xiran yihiin dad badan oo Maxkamadaha dowladda ku riday xukunno kale duwan, oo isugu jira; falal argagixiso, xatooyo iyo eedaymo kale, ayaanan lahayn adeeg caafimaad oo wanaagsan, oo loo fidiyo maxaabiista xanuunsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM