Maxaabiis loo haysto Al-Shabaabnimo oo ka baxsaday Xabsiga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Saddex maxbuus oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee caasimadda Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ahbaxsaday, sidda ay baahisay VOA-da.

Warka ayaa intaas ku daraya in mid ka mid ahaa maxaabiista dib loo soo qabtay, balse weli ay maqan yihiin labada kale.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in maxbuuska laga soo qabtay Kawaanka Kaluunka ee degmada Xamarwayne ee gobolka Banaadir.

Xubnaha baxsaday ayaa sidoo kale wararka ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab, islamarkaana horey loogu riday xukunno.

Labada xukunsane ee gacanta laamaha ammaanka ka maqan ayaa midkood ku xukunaa xabsi daa'in, halka kan kale ay Maxkamadda Ciidamadda ku riday 15-sano oo xarig ah.

Mareega GO ayaa fahansan in saraakiisha Asluubta ay ka fekerayaan suurtogalnimadda in ay baafiyaan isla markaana sawiradooda ku dhejiyaan waddooyinka.

Saraakiisha xabsiga dhexe ayaanan wali ka hadlin dhacdadaan. Codsiyo ku aadan in ay faalo ka bixiyaan qaabka ay ku baxsadeen waa ay diideen kadib markii lala hadlay.

Xabsiga Dhexe ee Xamar oo amnigiisa aad loo adkeeyo ayna adag tahay in laga baxsado ayaa wuxuu kaabiga ku yaha dekadda magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM