Maxkamad Mareykan ah oo go’aan ka gaartay eedeysane loo heysto dilka Imaam Soomaaliyeed

Image

COLUMBUS - Maxkamad ku taalla Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa go’aan ka gaartay eedeysanaha loo heysto dilka Imaamkii Masjidka iyo Ganacsade Soomaaliyeed, Maxamed Xasan Aadan.

Xeer-beegtida oo ka kooban 12 xubnood ayaa xaqiijiyay in dambiilaha oo lagu magacaabo John Wadden uu galay dambiyo isugu jira afduub, dhac iyo dil ula kac ah.

Maxkamadda ayaa xukunka lagu riday ku dhawaaqi doonto 15-ka bisha December ee danadkan.

Kiiskan waxaa ku jira eedaysane kale oo lagu magacaabo Brown Miller, kaas oo la hor keeni doono maxkamadda si loo dhageysto gal dacwadeedkiisa.

Miller ayaa la filayaa in la horkeeno maxkamada horaanta bisha Janaayo ee sanadka soo socda.

Imaam Maxamed Xasan Aadan ayaa bishii December 2021 lagu dilay magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM