Maxkamad xukmisay go'aan ka nixiyey dowlad kana farxiyey Soomaali

Image

LONDON, UK – Maxkamadda Sarre ee North Ireland ayaa Axada maanta ah waxay xukmisay in shaqsi Soomaali ah uu sii joogo dalkaas markii dowladda wadankaas ay dalbatay in la musaafuriyo.

Cumar Ismaaciil, oo 51-sano jir ah, ayaa waxa uu u sheegay xeer-beegtada in uu yahay mid baxsad ah maadaama ay dhibaateyn doonan Al-Shabaab iyo beeshiisa hadii dib loogu celiyo Soomaaliya.

Ismaaciil oo sheegay in waalidkii ay geeriyoodeen ayaa waxa uu ku nool yahay magaaladda caanka ah ee Belfast.

Dacwadda laga gudbiyey ayaa ka dambeysay markii Waaxda Socdaalka ay bishii Febraayo sanadkii 2018-kii ka diidey dalab magan-galyo doon ahaa, kaasoo su'aallo dhowr ah ay kasoo if-baxeen.

Mas'uuliyiinta ayaa waxaa su'aal ka keenay sheegashadiisa ku aadan in ay waalidkiisa geeriyoodeen, taasoo la xaqiijiyay.

"Waxaan rajeynayaa in Belfast ay si cadaalad ah ila tacaali doonto," ayuu hadalkiisa kusii daray muwaadinka.

Sidda ku cad gal-dacwadeedka, Ismaaciil ayaa markii uu kasoo cararay Soomaaliya waxa uu 2002-dii tegay Kenya, isaga oo ay wehliso xaaskiisa, wallow aysan kala helin wax caruur ah.

Sanadkii 2003-dii ayaa waxa uu u soo socdaalay UK, balse waxaa laga diidey codsi ah in uu kusii nagaado Boqortooyada Ingiriiska.

Taas ayaa waxay keentay in sanadka markii uu ahaa 2017-kii uu u soo wareego Northern Ireland, taasoo ku negaaday.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in shaqsi uu Maxkamad kaga guuleysto dowlad, inkasta oo Ismaaciil kiiskiisa uusan wali dhamaan, isla markaana xeer-beegtadu ku doodey in ay racfaan qaadaneyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM