Maxkamada Ciidamada oo 10-Sano ku xukuntay Jaajuus ka dambeeyay dilkii taliye Xasan Tuure

Image
Mucaawiye ayaa AS u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad.

Muqdisho, Soomaaliya - Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ka soo saaray labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge oo loo haystay ka mid ahaanshaha kooxda AS iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku dhintay Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka ee dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha (Drones),

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo AS, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM