Maxkamada Ciidamada oo baaritaan ka furtay weerarkii Cowsweyn

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada qalabka sida uu Xasan Cali Nuur Shuute gudoomiye u yahay ayaa bilaawday baaritaan ay ku sameyneyso weerarkii ka dhacay deegaanka Cowsweyne kadib hadal heyn ka dhashay oo markii dambe keenay in uu madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlo.

Sida wararku tibaaxayaan, Gudoomiyaha ayaa dhawaan gaaray degmada Aadan Yabaal, si uu halkaasi uga bilaabo baaritaanka, qaar ka mid ah dadka ka hadlay ayaana aaminsan in tallaabadan ay muhiim u tahay soo celinta kalsoonida ay ciidamadu ku qabaan madaxda.

Madaxweynaha ayaa shirkii jaraa’id uu shalay qabtay ku xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doonto cid kasta ka gaabisay mas’uuliyadeeda, sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dad taageera Al-Shabaab oo ku howlan carqaladeynta ciidamada xoogga dalka.

Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa dhawaanahan dhaliilay qaabka uu ku socdo howlgalkii militari ee ka dhanka ah al-Shabaab, waxayna tani kusoo beegmaysaa xilli siyaasiinta ku dhow maamulka Xasan Sheekh ay ku nuuxnuuxsadeen inay jiraan koox gacan saar la leh argagaxisada.

Dhanka kale, siyaasiyiin badan ayaa ka digay in la siyaasadeyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa, oo sheegay in marxaladdan xasaasiga ah ay muhiim tahay in aan la tirsan dhibco siyaasadeed, wuxuuna ku baaqay in la taageero ciidamada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in dagaalada lagula jiro al-Shabaab la sii wadi doono iyadoo ay jiraan caqabadahaasi oo ku qotoma weeraro argagixiso iyo khilaaf gudaha ah oo ka dhashay qaabka loo maareeynayo dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM