Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukuntay ganacsade caan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Axada maanta ah waxay soo gabagabeysay isla markaana ay xukuno kasoo saartey kiis ciqaabaadka ka dhanka ah laba eedeysane oo uu ku jiro ganacsade caan ah.

Cabdullaahi Axmed Maxamed [Xaaji Gaabow], 46-jir, ayaa lagu helay dambi ah in uu sameystay Bangi aan sharciyad ka haysan Dowlada federaalka.

Gaabow General Company ayaa la sheegay in ay u shaqeyneysay qaab Bangi ahaan isla markaana ay qaban jiray lacago malaayiin Doolar ah.

Garsooraha dacwada Cabdiraxmaan Saciid Axmed ayaa sheegay in Xaaji Gaabow lagu xukumay saddex sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo dhan $9,200, una furan tahay rafcaan inta sharcigu jideeyay oo ah 30 maalmood.

Xaaji Gaabow ayaa kamid ah ganacsatada ugu caansan Muqdisho, wuxuuna ku leeyahay qaybo kamid ah magaalada xarumo ganacsi oo waaweyn.

Dhanka kale, maxkamadda ayaa xorriyadiisa u celisay Ayuub Maxamed Aamiin, 30-jir ahna maamulaHa Shirkada Daabacaadka ee Camuudi, kaasoo lagu waayey eedihii ay uu u soo jeediyey Xafiiska Xeer-ilaalinta Qaranka.

Mr Ayuub ayaa loo haystay in shirkadiisu sameysay buugaagta Qaan-sheegadka oo ay adeegsanayeen mas'uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka ee isla maxkamadan ay todobaadkii horey u xukuntay wax is-dabamarin.

Asbuucyadii u dambeeyay maxkamadan ayaa xukuntay mas'uuliyiin iyo shaqaale dowladeed oo loo haysto musuqmaasuq. Dadka naqdinaya waxay sheegayaan in ay jiraan madax ka sareysa oo ay tahay in ay cadaaladda wajahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM