Maxkamada oo lagu cadaadinayo dardargelinta kiiska Ikraan

Image
Qadiyadan ayaa loo arkaa in ay tahay tijaabo adag oo hortaala madax-banaanida hay'adaha garsoorka Soomaaliya. [File Photo]

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adaha garsoorka Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis  ku saabsan in ay si deg-deg ah u bilaabaan geedi-socodka cadaalad u raadinta iyo maxkamadeynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax xilli wali hogaanka dalka uu ku kala qeybsan yahay mareynta qadiyaddan.

Qaylo-dhaantan ayaa ka imaanaysa qoyska haweenaydan ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka qaranka, xubnaha mucaaradka iyo saraakiil ciidan kuwaas oo aaminsan in muhiim ay tahay in cadaaladda u helida Ikraan ay laf-dhabar u tahay geedi-socodka dowladanimadda Soomaaliya.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo soo noqdey taliye ku xigeenka hay’adda mukhaabaraadka qaranka ayaa kamid ah dadka aaminsan in Ikraan ay sababsatay in ay wax ka og-tahay dilkii Eng Yariisow.

"Kiiska AUN Yariisow maahayn mid yar F&F [Farmaajo iyo Fahad] agtoodana waa mid Ku weyn oo mustaqbalkooda ayuu saamayn Ku leeyahay!," ayuu ku qoray ciwaankiisa gaarka ah ee mareegga Facebook-ga.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir ahna musharax madaxwayne, ayaa hor-dhigay maxkamadda dhowr su’aallo isaga oo su’aal geliyey guud ahaan dhexdhexaadnimadooda.

"Maxay maxkamadda iyo xeer ilaalinta ciidanka u dhaqaaji la’yihiin kiiska dacwadda Ikraan Tahliil. Ma baaritaankii ayaa laga hor istaagay? Ma wadahadalka siyaasadeed ayey ka war sugayaan? Mise cabsi ayey qabaan? Waa in ay tuhunka iska wareejiyaan oo ay shacabka u caddeeyaan waxa ka hortaagan gudda galka kiiska dacwadda," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Gabaad-siinta eedeysaneyaasha

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadey Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu gabaad-siinayo eedeysaneyaasha kiiskan oo ah agaasimaha hay’ada sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin, Kulane-jiis iyo Yaasiin Farey.

Qaali Maxamed Guhaad, oo ah hooyadda Ikraan, ayaa todobaadkan waxay cod dheer uga dalbatay Farmaajo in uusan siyaasadeyn kiiskan "iigana soo saaro gabadheyda meesha ay ku jirto ee uu ogyahay".

"Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan leeyahay arrinta gabadheyda ha siyaasadeyn. Gabadheyda maanta hadaad hayso berri ma haysaneysid. Waxaan leeyahay maalinta qiyaamo waa lagu su'aalayaa adiga oo taagyar gabadheyda iiga soo saar meesha ay ku jirto oo aad og-tahay," ayay tiri.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla ayaa rumeysan in horumar kasta oo laga sameeyo kiiska Eng Yariisow uu fure u noqon doono in la ogaado xaalado kale oo ku gedaaman qadiyadda Ikraan iyo kuwa kale.

"Hadii aysan maxkamadu kiiskaas hormar ka samayn kiisaska kale ee la xariira oo kan Ikraan ka mid yahay wax hormar lagama gaari doono. Furaha Baarista dilalka Saraakiisha NISA waa in laga soo bilaabo Dilkii Eng Yarisow," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Ehelka Ikraan ayaa horay dacwada ugu gudbiyey maxkamada ciidamadda oo aan wali war rasmi ah kasoo saarin arrintan. Dad badan waxay aaminsan yihiin in qadiyadan ay tahay tijaabo hortaala madax-banaanida hay’adaha garsoorka Soomaaliya.

Kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo noqdey qadiyad heer qaran iyo mid caalami ah ayaa soo jiitay indhaha caalamka iyadda oo diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay Xalane ay ka digeen in uu saameeyo doorashooyinka wallow ay adkeeyeen in gal-dacwdeedkan uu kusoo dhamaado qaab daahfuran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM