Maxkamada Racfaanka oo u fariisatay dhagaysiga dacwad Musuq-maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa saakay u fariisaneysa dhageysiga 2aad ee dacwad Musuq-maasuq ah oo loo heysto mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhaxe.

Guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir, Saciid Cali Maxamed ayaa sheegay in maanta ay maxkamaddu u fariisan doonto dacwadda saddex eedeysane, kuwaas oo 8-dii bishan racfaan ka qaatay dacwadda ka dhanka ah.

Guddoomiyaha ayaa ku celiyay codsi ku aaddanaa in uu wakiilka Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud soo bandhigo dhammaan caddeymaha loo cuskan karo dacwadda ka dhanka eedeysanayaasha.

Dhagaysiga labaad ee ay Maxkamadda racfaanku ka yeelanayso eedeysanayaashan ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gabagabeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM