Maxkamadda Ciidamada oo dil ku fulisay Askari ka tirasaana CQS

Image

XARARDHEERE, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Gobolka Mudug Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xukun dil ah oo ay ku dhawaaqday 15kii bishan ku fulisay Shariif Abshir C/raxmaan Jaamac (Shariif Jinni).

Shariif Jaamac ayaa lagu helay in uu dilay Siciid Cali Cabdi Shabeel oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka.

Go’aanka maxkamadda ayaa lagu shaaciyay qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda. Qoraalka ayaa lagu sheegay In hubka loogu dhiibay ciidamada si ay dalka uga saaraan cadowga ee ma aha in ay iyagu is dilaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa horey uga digtay in la qalqal geliyo amaanka magaalooyinka lagala wareegay ‘AS’. Waxayna ciidamda ku booriyeen inaan lagu mashquulin ficilo wax u dhimaya darajadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM