Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay askari dilay nin dhalinyaro ah

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay Dable lagu magacaabo Cabdisalaan Cali Axmed.

Cabdisalaan ayaa 9-kii bishan lagu eedeeyay inuu bartamaha laamiga Guriceel ku dilay Cabdulaahi Cali Huday oo ka mid ahaa dhalinyarada wax baratay ee degmadaasi ku dhaqan.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay xukun ku riday Eedeysanayaasha aan kor ku soo xusnay, kadib markii ay soo xireen Ciidamada Sirdoonka Qaranka iyo kuwa Booliska Degmada Guriceel.

Xukunka toogashada ah oo ka dhacay magaalada Guriceel ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida, ehelada marxuumka la dilay, iyo dadweyne fara badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM