Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay Sarkaal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa waxay xukun dil toogasho ah ku riday eedeysane Xidigle Xoogga Dalka, Mowliid Cali Cabdi, sida laga soo xigtay qoraal kasoo baxay Garsoorka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in xukunkaan uu ka dambeeyay markii Eedaysane Mowliid lagu soo eedeeyay inuu "si ula kac ah" uu u dilay Dable Axmed Nuur Xuseen, oo kamid ahaa Ciidamada Xoogga dalka.

Warka ayaa lagu sheegay in eedaysanaha uu qirtay inuu falkaan geystay, islamarkaana dacwad oogayaasha ay horkeeneen Maxkamadda caddeymo ku saabsan inuu dilkaan u geystay si bareer ah.

"Marqaatiil ah Askar ah, kuwaasoo ku marag furay inuu Mowliid isaga dilay, uuna ku dhuftay Rasaas, ayaa la horkeenay maxkamada kuna marag kacay, Eedaysanaha," ayaa qoraalka lagu yiri.

Qareenadii udoodeysay eedaysanaha hadda la xukumay ayaa sheegay in Mowliid uu dilkaan ugeystay isagoo difaacayey nafsadiisa, waxayna qiil kaga dhigteen in uu ka da’weyna, ayna ka xun yihiin siday wax udhaceen.

"Waxaan diyaar unahay in la bixiyo magta marxuumka," ayey hadalkooda kusii dareen Qareenadda.

Laakiin, garsoorayaasha maxkamada ayaa "ku qanci waayey" dooda, sida laga soo xigtay nuqul kamid ah bayaanka, waxayna go'aan sadeen in dil toogasho lagu xukumaan Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi.

"Xukunka waa qiyaasta Marxuum, Ex-Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Urur ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed," ayaa laga soo xigtay War-saxaafadeed.

Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa waxay sheegtay in Qareenada iyo Eedaysanaha ay u furan tahay inay Racfaan ay ka qaadan karaan xukunkaan dilka toogashadda ah, hadii aysan ku qanacsaneen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM