Maxkamadda Ciidamada oo xukun ka soo saartay General Sheegow & kooxdiisa

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku xukuntay Sheegow Axmed Cali Bixinta Diyada Sakariye Maxamed Cali iyo magdhow siinta sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen Cabduqaadir oo uu dhaawacay.

Sidoo kale, Axmed Maxamed Xasan (Abii Axmed) Taliyaha Ciidamada Sheegow ayaa isna lagu Xukumay Dil-toogasha ah. Abii Axmed ayaa laba eedeysane ku dilay Maxkamad ku taal magaalada Jowhar 13dii February ee sanadkan.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 18 kale oo isla kuwii dagaalamay min 6-Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Deeqow oo ahaa maal geliyaha kooxdan oo aan lahayn Diiwaan Ciidan ayaa lagu xukumay 3-sano oo xabsi ciidan ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM