Maxkamadda Ciidamada Somalia oo taagasho kale ku fulisay Askari [Dhageyso]

Image

BAYDHABO, Somalia- Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Askari katirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Cali Nuurow Maxamed, ayaa waxaa lagu helay inuu ku dilay degmada Buurhkabo Qaasim Cabdiyow, sidoo kalena uu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay marxuumka 10/10/2016.

08/11/ 2016 ayaa Askariga oo darajadiisu ahayd Dable, kana katirsanaa Booliska Koonfur Galbeed lagu xukumay Dilka toogashada.

Xukunkaas ayaa maanta Maxkamaddu ku fulisay Marxuumkaas oo muddo ku jiray gacanta laamaha amniga fuliysay.

Liibaan Cali Yarow, Gudoomiyaha Maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida iyo Gudoomiyaha Maxakamada Darajada 1aad ee Ciidanka Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku sugnaa goobta toogashada.

Dilka Askarigana ayaa imaanaya maalin kadib markii Shalay magaalada Baydhabo lagu dilay afar nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo geystay qaraxyo ay ku dhimatay 80 ruux.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia ayaa kordhisay maalmahan dilalka ay ku fulinayso dad lagu eedeeyay inay katirsan yihiin Al shabaab iyo Askar dilal geestay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM