Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuno ku riday askar

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah xukunno kala duwan ku ridday laba askari, oo ku eedeysanaa kiis dil ah.

Xasan Xuseen Maxamed, oo Dable Boliis ah ayay Maxkamaddu ku Xukuntay Dil toogasha ah halka Dable kale oo lagu magacaabo Xasan Muuse Warsame lagu ridday Shan Sano oo xabsi Ciidan ah iyo Magta gabar ku dhimatay rasaas ay ku fureen mooto bajaaj.

Mootada oo lagu rasaaseeyay  nawaaxiga Isgoyska Digfeer 07-da bishii September ee Sanadkan ayaa waxaa saarnaa labo Gabdhood, oo mid kamid ah goobta ku dhimatay, halka midda kale uu soo gaarey dhaawac.

Dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo ayaa marayay  agagaarka Isbitaalka  Masaarida ee degmada Hodan marka rasaasta ay Askarta rasaasta ku furayeen mootadii wadey.

Labada askari, ayaa u sheegay Garsoorayaasha in si wada jir ah ay xabada u rideen, islamarkaana ay kaga dan lahaayeen in ay ku kala fududeeyaan  mashquul ka jiray Isgoyska, balse ay haleeshay labada gabdhood oo xilligaasi wada saarnaa mooto bajaaj.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Xukunka ka furan yahay Rafcaan ku siman Sodon Cisho.

Hay'addaha caalamiga ee xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Militeriga Soomaaliya inay riddo xukunno ka baxsan sharciga, oo lagu fuliyo dhalinyaro qaarkood aan qaangaarin, kuwaasoo lagu eedeeyo Al-Shabaab.

Waxa kaloo lagu dhaliilay Maxkamadda in xukunnada ay riddo u badan yihiin kuwa lagu beegsado dadka kasoo jeeda beelaha laga tiradda badan yahay oo kaliya, kuwaasoo xukunnadood dilalka toogasho la dedejiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM