Maxkamadda ciidanka Soomaaliya oo dil ku fulisay afar askari

Image
Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan askarta dowladda uga digay dilalka sharcidarrada ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay afar askari oo ka kala tirsanaa militariga, booliska iyo NISA, kuwaas oo lagu helay eedihii ahaa inay dileen xubno ay ka wada tirsanaayeen ciidamada, sida uu sheegay ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada Maxamed Cabdullahi Khaliif.

Askarta la toogtay ayaa kala ahaa Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, Cali Maxamuud Xuseen oo militariga ka tirsanaa, Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa iyo Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa, kuwaas oo sida ay sheegtay Maxkamaddu lagu helay inay si 'bareer ah u dileen' askar kale.

Waa toogashadii dambeysay ee ay fuliso maxkamadda Ciidamada qalabka Sida, iyadoo dhowr jeer hore u fulisay toogasho noocan ah. Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan askarta dowladda uga digay dilalka sharcidarrada ah.

VOA + GO

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM