Maxkamadda CQS oo u fariisatay dhagaysiga dacwada 10 ruux oo tababar ku soo qaatay Buurta Galgala

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa markale u fariisatay garmaqalka 10-ruux oo ku eedeeysan ka mid noqoshada kooxda Al-shabaab.

Tobankan qof ayaa u socdaalay buuraha Galgala si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysan buuraha Puntland, halkaas oo ay tababar ku soo qaateen.

Eedeysanayaasha ayaa ka qeyb galay dagaallo ka dhacay deegaanada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Ciidamada ayaa ka soo qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo, ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidamada Danab, sida uu sheegay dambi baaraha kiiskan.

Qareenka difaacayay eedaysanayaasha ayaa maxkamada u sheegay in ay damacsanaayeen in ay isku soo dhiibaan ciidanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa soo gabagabeysay baaritaankii ay ku sameyneysay kiiskaasi, waxaana ay sheegtay inay dib ka soo saari doonto go’aanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM