Maxkamadda gobolka Banaadir oo fasaxday CC Shakuur [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in aan wax dembi ah lagu helin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayna go'aamisay in la sii daayo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxay Xeer Ilaalinta kusoo eedaysay inuu qeyb ka ahaa abaabul lagu waday Gurigiisa oo la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Farmaajo.

Kadib markii ay Maxkamadda dhageysatay eedaha loo soo jeediyay Siyaasigan, ayaa waxay shaacisay in aan jirin wax cadeyn ah oo muujinaya dembiyada lagu soo xiray CC Shakuur.

Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Aweys Sheekh Cabdullahi ayaa dhaaciyay in CC Shakuur wixii maanta ka dambeeya uu yahay qof xur ah, islamarkaana lagu waayay dhamaan eedaymihii lagu soo xiray markii hore.

Xalay ayaa CC Shakuur lagu soo daayay damaanad, iyadoo saakay dib loogu celiyay Maxkamadda oo maanta laga sugayay Xeer Ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir cadeymo ku aadan kiiska, iyadoo oo 48 saac loo qabtay shalay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur xarigiisa waxay Maxkamaddu sheegtay in aan loo marin sifo sharci ah, oo aan loo haysan warqad maxkamadeed. weerarkii lagu qaaday Gurigiisa CC Shakuur 18-kii bishan waxaa fulisay NISA oo 6 kamid ah ilaalladiisa dishay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM