Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Sayid Cali

Image
Dilka marxuumad Luul ayaa waxaa uu ka dhacay degmadda Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah eedeysane Sayid Cali Macalim Daauud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa oo laheyd Uur isla markaana uu geeriyootay Dhaawacii kasoo gaaray gubkaasi.

Dhagayska Maxkamadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay eheladda Marxuumadda, eedeysanaha, Qareenadda difaaca eedeysanaha Xeer Ilaaliye ku xigeeno iyo dadweyne Badan oo usoo daawasho tagay.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay degmadda Dharkeynleey ee gobolka Banaadir Taariikh-da marka ay aheyd 26 kii January.

5ta bishan ayaa ciidamadda amaanka gacanta kusoo dhigeen eedeysanaha asaga oo baxsad ah kuna dhuumanaya meel u dhow degnadda Wisil ee gobolka Mudug.

Kiiskan ayaa si weyn looga hadal hayay dhamaan gobollada dalka, waxaana jiray dibadbax ka qaboomay magaalooyin dhowr ah kaas oo cadaalad loogu raadinaayo Marxuumad Luul Cabdicasiis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM