Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muddeysay Gal-dacwadeedka eedaysane Sayid Cali

Image
Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga dhursugaya go’aanka maxkamada.

Muqdisho, Soomaaliya - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta shaacisay waqtiga loo fariisan doono Gal-dacwadeedka oo uu eedaysane ka yahay Sayid Cali Macalin Daa'uud oo loo heysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.

Dhagaysiga 3-aad ee kiiskan ayaa loo madlan yahay sida ku xusan warqad ay soo saartay maxkamada gobolka Banaadir maalinta Arbacada ah ee 6-da bishan.

Qoraalka ka soo baxay maxkamada ayaa lagu yiri:

“Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay muddeysay Gal-dacwadeedka summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 oo uu eedaysane ka yahay:-
Sayid Cali Macalin Daa'uud ina Bilan Xirsi Cusmaan 24 jir ku dhashay Xamar degan degmada Dharkeenleey.”

“Maxkamada waxay muddeysay Gal-dacwadeedka Ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta Arbacada ah ee Taariikhdu tahay 06/03/2024 saacadduna tahay 12:00 Duhurnimo.” ayaa la raaciyay qoraalka.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga dhursugaya go’aanka maxkamada, iyada oo lagu tilmaamay kiiskan isgoys soo wajahayo hanaanka garsoorka dalka, xilli ehellada marxuumada la gubay ay tabasho ka muujiyeen hufnaanta maxkamadda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM