Maxkamadda Racfaanka oo u fariisatay dacwadda mas’uuliyiin loo haysto Musuq maasuq

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhageysatay dacwad racfaan oo ay eedeysanyaasha ka yihiin mas’uuliin ka socda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Eedeysanayaasha ayaa lagu soo oogay dacwado la xiriira musuq-maasuq, iyo dambiyo kale, waxaana horay loo horgeeyay Maxkamadda G/Banaadir, balse ay racfaan ka qaateen xeer ilaalinta Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa faray Xeer Ilaalinta in ay keento caddeymaha loo heysto mas’uuliintan ku eedeysan musuq-maasuqa.

Xukuno kala duwan ayaa horay loogu riday eedeysanayaasha, halka xeer ilaalinta qaranka ay racfaan ka qaadatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM