Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukunno ka soo saartay koox lagu eedeeyay argagixisanimo

Image
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa mar kale xukunno kala duwan ka soo saartay koox lagu eedeeyay argagixisanimo, isla markaana dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Kooxdan ayaa isticmaali jiray hubka RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen madax maaliyaddeed, madax caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiisaskan, Tobban iyo Todobadii Decmber Sanadii 2022 iyo Kowdii bishii July Sanadii 2023.

Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa codsaday Racfaan iyo in la mideeyo kiisaska maadaama ay Maxakamda Darajada koowaad laba mar ay u fadhiisatay.

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen Xafiiska Xeer ilaalinta 24 December sanadkii tagay , Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida, Janaraal Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay xukunka kooxdan, iyada oo qaarkood lagu xukumay dil halka kuwa kalana lagu xukumay xabsi gaaraya ilaa 4 Sano.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM