Maxuu kala hadlay Ra’iisul Wasaaraha ciidamada ku sugan Aadan Yabaal?

Image
Image
Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo hadal u jeediyey cutubiyo ka tirsan ciidanka xoooga dalka ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya dagaalka lagula jiro xoogaga al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri: “Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, waxaad u dhimanaysaan, u-gaajoonaysaan waa waddankiina oo aad cadowga ka difaacaysaan”.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dal walba uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn halyeeyo oo isku dhigaya cadow walba oo soo hujuuma qaranka, isla markaana u sabraya duruufo walba oo soo food saara, sida uu hadalka u dhigay.

Xamse Cabdi Barre ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan dagaalka inta dhamaan dalka laga xoreynaayo al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ciidanka qaranka ay u muujiyaan garab istaag.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay odayaasha dhaqanka xaaladdaha bulsho ee ka jira degmada Aadan Yabaal iyo deegaannada u dhow. Waxuuna sheegay in Xukuumaddiisa ay ka go’an tahay adeeg-gaarsiinta deegaanda la xoreeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM