Maye oo shaaciyay cidda hurineysa qalalaasaha Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ku-simaha Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhunaa [Maye] ayaa shaaciyay in dibad-baxyadda rabshadaha wata ee saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Baydhabo ay hurinayaa dad dano gaar ah ka leh.

Afhayeenka Gollaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo aanan magac-dhabin shaqsiyaadka uu eedeeyay ayaa ku nuux-nuux saday inay ku oor-kac-sanayaa xariga Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur].

Maye oo luqad adag ku hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inay ku qaban-doonan xubnahaasi gacan-bir ah, isaga oo ku waaniyay inay joojiyaan olalaha ay uga abuurayaan hawiga qalafsan caasimada KMG maamulkaan.

Xiisadda ka dhalatay xariga Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Mushariixiinta ugu cad-cad doorashada loo balansan yahay 19-ka bishaan December, ayuu Gudoomiye Maye balanqaaday in xal laga gaari doono.

“Shacabka badankooda waa kuwa wanaagsan..Balse, waxaa jira inyar oo ka faa’idaysanaya xaaladda [oo hurinaya]…Waxaana ugu baaqaynaa inay ka waan-toobaan..Hadii kale gacan adag ayaa lagu qabanayaa,” ayuu yiri.

Khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay Abuu Mansuur kasoo xirtay Baydhabo ee xarun goboleedka Bay, waxaana tan iyo xilligaasi xaaladda magaalada ay ahayd mid aad u kacsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM