Meydka marxuum Khadiijo Diiriye oo laga soo dejiyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka xukuumadda Somaaliya ayaa ku dhimatay Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuulin kale oo ka kooban Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti oo wada meydka Wasiiradii Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo ka soo kicitamay Dalka Jabuuti, ayaa soo gaaray Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdishu, Halkaasi oo goor dhaw lagu tukan doono Salaadda Janaasada.

Xamse oo shalay joojiyay dhammaan howlihii shaqo ee uu u joogay dalka Jabuuti kadib geerida naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Wasiir Khadiija, ayaa magacaabay guddi uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo maanta u sameynaya aas Qaran Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xamsa ee waday meydka Wasiiradii hore, Waxaa garoonka Jabuuti ka soo sagootiyay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo Mucaaradka la Kulmay Kadib Cadaadiska Beesha Caalamka

Madaxweynaha Xasan Sheekh, oo hore loogu dhaleeceeyay mowqifkiisa adag, ayaa la sheegay inuu jilciyay aragtidiisa.

  • Soomaliya

    25-06-2025

  • 09:38AM