Mid kamid ah Ergadii doorashada oo lagu dilay Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Nabadoon lagu magacaabi jiray Cabdi Cali Gareyn, kana mid ahaa Ergadii wax kasoo dooratay Baarlamaanka hadda ee dowladda Federaalka ayaa lagu dhex-toogtay Goobtiisa ganacsi, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Dabaashe ayaa shaaca ka qaaday in falkaan ay fuliyeen labo ruux oo ku hubeysan bastoolada, kuwaasoo falkaan khaarijinta ah kadib ka bax-saday goobta.

Dabaashe hadalkiisa ku daray inay wadaan howlgalo ay baadi-goobayaal gacan ku dhiig-layaashii ka dambeeyay falkaan Khaarijinta, kaasoo lagu kacay Nadoonka oo sidoo kale ahaa, Ganacsadde.

Waxa uu Afhayeenka intaasi ku daray in ciidamada amaanka ay cadaaladda horkeeni doonan hadii ay usuuragasho inay soo qabteen Ragii Marxuum Gareyn naf-gooyay, si iyaga mudankooda loo marsiiyo.

"Isagoo iska ganacsanaya ayay dileen, waxaana dhihi karaa waxay kamid tahay falalka arxan darada ah oo ay ku dhaqmayaan kuwa dilalka caadeystay ayaa ka dambeeya, waa Al-Shabaab, waana soo qaban doonaa," ayuu yiri Afhayeenka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda falkaan, balse, kooxda Al-Shabaab ayaa horey ugu goondisay inay beegsan doonto dhamaan xubnihii ka qeybqaatay soo xulista Mudanayaasha Baarlamaanka.

Marxuum Cabdi Cali Gareyn, ayaa kamid ahaa Ergadii Xilldhibaanadda Baarlamaanka Federaalka kusoo dooratay Magaalada Jowhar ee xarun goboleedka Shabeellaha Dhexe, iyo mida HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM