Dabley ergo doorasho ku dishay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saakay ku dilay magaaladda Muqdisho mid kamid ah ergadii doorashadda Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad, ee waqtigiisu dhamaadey.

Maclin Cabdi Siyaad Geedo ayaa lagu dilay suuq ku yaalla degmada Deyniile, ee waqooyiga Muqdisho, kadib markii ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen labo dhalinyaro oo bistoolado watay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka oday dhaqameedka, balse wuxuu kusoo beegmayaa xili Al-Shabaab dhawaan uga digtay odayaasha Soomaaliyeed inay ka qeyb-qaataan doorashooyinka soo socda.

Soomaaliya waxaa wali ka jira nidaam doorasho oo qabiil ku dhisan, oo awoodda lagu qeybsado 4.5, iyadoo odayaasha dhaqanka ay budhig u yihiin dhismaha Baarlamaanka, maadaama ay Xildhibaanada doortaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM