Mid kamid ah Ergooyinkii doorashada oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Nabadoon Xuseen Hilowle oo kamid ahaa Ergooyinka doorashadii Baarlamaanka hadda jira ee Soomaaliya ayaa waxaa saaka oo Sabti ah lagu toogtay xaafada Fagax ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Goobjooge ku sugan halka uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay Garowe Online in Odayga oo xafaada si wayn looga garanayay ay qaybaha sare ee Jirka ka toogteen Rag ku hubeysan Bastooladda oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

"Nabadoon Xuseen Hilowle oo kamid ah Odayaasha degmada Yaqshid ugu caan-sanaa ayaa waxaa madax saddex Xabad uga dhuftay Bastoolad-ley. Dilka kadibna way ka baxsadeen meesha," ayuu hadalkjiisa raaciyay Goobjoogaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada amaanka ee dowlada Federaalka ay meesha yimaadaan falka kadib, iyaga oo bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan Ragii ka dambeeyay, mana la oga hadii dad loosoo qab-qabtay.

Ma jirto cid dusha saaratay masuuliyadda falkaan, balse, waxaa horey wacad ugu martay inay beegsan doonto Odayaasha ka qayb-galay soo xulista Xilldhibaanadda Kooxda Al-Shabaab, xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida.

Dilkaan ayaa qayb ka ah falalka lidka ku ah amniga ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaasoo ay ku khal-khal gelinayaa Nabad-gelyadda caasimadda dalka, inkasta oo Hay'adaha amaanka ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM