Mid kamida Maskaxdii maleegtay weerarkii Hotel Saxafi oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'dda Nabad Sugida dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in ay gacanta ku dhigtey qof la tuhmayo inuu kaalin ka qaatey weerarkii Hotel Saxafi oo dhacay 9-kii bishan November.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu yiri: "Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamida maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar."

NISA ma aysan sheegin goorta iyo halka uu dhacay howlgalka, iyo sidoo kale magaca shaqsiga ay sheegtay inay usoo qabatey qaraxydii 3da ahaa ee lagu dilay in ka badan 50 qof, oo uu kamid ahaa milkiilaha Hotel Saxafi, Cabdifitaax Cabdirashiid Ilqeyte.

Hay'adda Nabad Sugida dalka ayaanan lahayn mid hal bil ah, kadib markii uu is-casilay Xuseen Maxamed Xuseen [Calool-Kuus], waxaana hadda maamulkeeda hoostagaa Fahad Yaasiin, oo ah Agaasime ku xigeenka NISA.

Mas'uulkan oo horey usoo noqday Agaasimaha Villa Somalia, ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir dhaw la leeyahay dowladda Qadar, isagoo sidoo kale hadda kamid ah shaqsiyaadka saameynta ku dhex leh maamulka Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM