Soomaaliya: AU-da oo Al-Shabaab u aqoonsatay "Khawaariij"

Image
Ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay adeegsaday erey-bixintaas.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergeyga Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay kooxda Alshabaab ku tilmaamay in ay yihiin Khawaariij, sidda ku cad war-saxaafadeed uu soo saarey.

Ereybixintaasi uu adeegsaday danjire Maxamed Al Amiin Sauuf  oo sidoo kale ah madaxa howlgalka ATMIS ayaa ah mid diimeed oo ay dowladda Soomaaliya u aqoonsatay kooxdani.

"Al-Shabaab waxa ay lumiyeen dhul balaaran, walaalaheen Soomaalida ah waxa ay sii wadi doonaan in Khawaariijta argagixisada ah ay ka sifeeyaan dalk," ayuu bayaanka ku yiri Sauuf.

Sauuf ayaa warka qoraalka ah ku caddeeyay in talaabadan "ay bulshada ay ku helayso amni, xasilooni iyo nadad, kuwaas oo muhiim u ah dhaqaalaha iyo horumarka bulshada".

Wakiilka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in ay kaalin fududeyn iyo isku dubarid ah ku leeyihiin hawlgalada socda oo aysan ATMIS si toos ah uga mid ahayn.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa degaanka ayaa markii ugu horeysey muddo sannooyin ah kadib xoogaga hubeysan ku baacsanaya dhulka miyiga ah oo ay mar ku xoog badnaayeen ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM