Midowga Africa oo u sheegay Farmaajo iyo Rooble sida ku xalin karaan khilaafka

Image

ADDIS ABABA - Midowga Afrika ayaa codkiisa ku biirayay baaqyada caalamiga ee loo jeedinayo Farmaajo iyo Rooble inay wadahadal ku dhameeyaan khilaafkooda.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray kadib markii Dec 27 uu Farmaajo shaqada ka joojiyay Rooble, oo sidoo kale Ciidan kahor istaageen inuu galo xafiiskiisa.

Gudoomiyaha Gudiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa labada hogaamiyo ku booriyay inay isxakameyn muujiyaan, ayna qaboojiyaan xiisada.

Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in xalka khilaafka taagan uu ku jiro in labada dhinac ay wadahadal sameeyaan, islamarkaana u yimaado tanaasul.

Baaqa Moussa Faki Mahamat ayaa yimd waxyar kadib markii xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken uu sheegay in dowladiisa kasoo horjeedo tallaabada uu ku dhaqaaqey Farmaajo.

Kilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa mudo bilooyin ah soo socday, waana markii labaada tan iyo Sep uu ku dhawaaqayo shaqo joojinta Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu cirka isku shareeray khilaafka markii uu soo ifbaxay kiiska Ikran Tahliil, gabar dhanka amniga internet-ka u qaabilsanayd NISA, oo la afduubey kadibna la sheegay in la dilay.

Baaritaanka kiiska Ikraan ayaa ahaa xukunta khilaafka Farmaajo iyo Rooble, iyadoo xaaladda faraha kasii baxdey markii xilka laga qaadey Fahad Yaasiin kadibna laga hor-istaagey inuu kasoo dego garoonka Aadan Cadda.

Is-qab-qabsiga labada hogaamiye ayaa wiiqay la dagaalankii Al-Shabaab iyo shaqadii laga hayay doorashadda, oo ahayd in sanadkan lasoo afjaro, balse u gudubtay 2022.

Amniga ayaa sidoo kale dul-saaran caalaamad su’aal, waxayna Al-Shabaab kordhisay weerarada, iyadoo shalay qabsatay mudo kooban degmada Balcad, oo Muqdisho u jirta 30-KM dhanka waqooyi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM