Midowga Afrika oo caddeeyay mowfiqkooda doorashada Soomaaliya

Image
Madaxda Soomaalida ayaa 9-kii January go’aamiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo afmeero muddo 40 cisho ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika oo ka hadlay heshiiskii dhawaan lagu soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku booriyay madaxda ay khusayso in ay dhaqan galiyaan heshiiska gaareen iyada oo ixtiraamaya dhamaan heshiisyadii horay loo gaaray.

Moussa Faki Mahamat, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa si weyn u taageeray heshiiskii 9-kii January, wuxuuna ku dhiirri-galiyay Golaha Wadatashiga in la soo gaba-gabeeyo doorashooyinka Golaha Hoose, si daah-furan ugu dambayn 25-ka Febraayo.

Fiki, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ixtiraamo heshiisyada 17ka Sebtember 2020, May 27 2021 iyo habraacyadii doorashada 01 Oktoobar 2020 iyo Ogosto 24, 2021.

"Waxaan ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ina y is-xakameeyaan oo ay horumariyaan wada-xaajood siyaasadeed oo is-dhexgal ah oo ku aaddan xasilloonida siyaasadeed,” ayuu hoosta ka xariiqay Faki.

Moussa ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in mowqifka Midowga Afrika uu yahay in doorasho lagu kalsoonaan karo ka dhacdo Soomaaliya, taasi oo dhabaha u xaaray nabad waarta oo ka dhalata gobolka geeska Afrika oo wajaha caqabodo ay ka mid yihiin weerarada Axgagixisad, Covid-19, abaaraha iyo fatahaadaha.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa hadalkiisa ku soo xiray in golihiisu  uu diyaar u yahay sare u qaadida taageerada dadaalada ka socda dalka si loo gaaro xasilooni waarta iyo daganaasho.

Golaha Wadatashiga ayaa 9 January 2022 go’aamiyay in doorashada Golaha Shacabka lagu soo gaba-gabeeyo muddo 40 Cisho oo ka bilaabanaysa maalinta oo ku taariikheysan 15 January illaa 25 February ee sanadkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM