Midowga Afrika oo soo saaray warmurtiyeed uu kaga hadlay xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya

Image
Midowga Afrika ayaa xaqiijisay inay ka go’an taageerada midnimada Soomaaliya.

Addis Ababa (GO) - Ururka Midowga Afrika ayaa warmurtiyeed ka soo saaray shir madaxeedkii 37-aad oo ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Addis Ababa, iyaga oo ka hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda.

Warmurtiyeedka ayaa si gaar ah looga hadlay Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka gurracan ee Itoobiya.

Midowga Afrika waxa uu mar kale xaqiijisay inay ka go’an taageerada midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa AS iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM