Midowga Afrika oo soo saaray warmurtiyeed uu kaga hadlay xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya

Image
Midowga Afrika ayaa xaqiijisay inay ka go’an taageerada midnimada Soomaaliya.

Addis Ababa (GO) - Ururka Midowga Afrika ayaa warmurtiyeed ka soo saaray shir madaxeedkii 37-aad oo ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Addis Ababa, iyaga oo ka hadlay arrimo kala duwan oo khuseeya qaaradda.

Warmurtiyeedka ayaa si gaar ah looga hadlay Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo xadgudubka gurracan ee Itoobiya.

Midowga Afrika waxa uu mar kale xaqiijisay inay ka go’an taageerada midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida, dhammaan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqday labada dal in ay xiisadda dejiyaan oo ay wada hadal macno leh yeeshaan si arrinta xal nabadeed looga gaaro.

Midowga Afrika waxa uu sidoo kale ka codsaday Dowladaha xubnaha ka ah iyo Beesha Caalamka inay kordhiyaan kaalmada ay siiyaan DFS, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa ciidamadeeda Ammaanka, looga adkaan lahaa AS iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada iyo xasilloonida deegaannada cusub ee laga saaray.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM