Midowga Yurub oo digniin u direy Dowlada Federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHU, Soomaaliya | Midowga Yurub oo tageero xoogan siiya barnaamijka dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya ayaa niyad jab ka muujiyey talaabadii lagu sheegey in Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ku ridey xukuumadii Ra’isal wasaare Khayre.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in dalka Soomaaliya inta uu ka noqonayo mid amaankiisu sugan yahay, mid deynka lagu leeyahay iska bixin kara iyo inta dadku ka dooranayaan hogaamiya-yashooda siyaasada , tahay mas’uuliyad saaran madax-dooda in go’aan walba oo siyaasadeed yahay mid wada ogol ah. 

“ Waxaa wax laga xumaado ah taalaabooyinka aqalka hoose qaadey maalinimadii Sabtida iney ahaayeen kuwa niyad jab ku ah hurumarkii ururka Midowga Yurub ka filayey dalka Soomaaliya.” Sidaas waxaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midowga Yurub.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegey in qaabkii loo marey mooshinkii laga keeney xukuumada Khayre uu ahaa mid aan waafaqsaneyn Dastuurka Soomaaliya.

“Xil ka xayuubinta xukuumada Khayre ayaa dhacdey xilli rajo fiican laga qabey kulankii dhexmarey madaxda Dowlada Federaalka ah iyo maamulada Soomaaliya, taasoo dhabada u xaari laheyd in kulan balaaran dhaco August 15”. ayaa lagu sheegey qoraalkaan.

Midowga Yurub ayaa xusey ugu dambeyn iney si gaar ah u eegayaan xaaladaha jira sidey isu badalaan iyagoo isha ku eegaya dadka wadada ka leexiya hurumarka dalka Soomaaliya ku socdo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM