​Miisaanid la horgeeyay Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Miisaanid ay shalay meelmariyeen Golaha wasiirrada Waqtigeedu dhammaday kadib kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen Muqdishu, ayaa maanta la horgeeyay golaha wakiillada Somalia.

Qorshahan ayaa dood badan dhaliyay kadib markii hanti-dhowraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale uu sheegay inaan shuruucdii dawladda la marin.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda xukuumaddii hore  Maxamed Aadan Fargeeti, ayaa ka hadlaysa sababta miisaaniyaddan u meel-mariyeen iyagoo waqtigeedu dhammaaday islamarkaana dadkii ku shaqayn lahaa aan wali lasoo magacaabin.

Inkastoo qorshahan uu difaacay mudane Fageeti, wuxuu ganafka ku dhuftay in arrimaha miisaaniyadda uu soo dhex-galo Hanti-dhowraha Qaranka isagoo xusay hadii ay khaldantahay soo celinteeda looga fadhiyo Barlamanka Somalia.

Isagoo la hadlayay VOA, wuxuu sidoo kale iska fogeeyay lacag malaayiin doollar ah oo ka maqnayd xisaab xirkii la sameeyay sannadkii hore, isagoo tilmaamay in arrintaas looga fadhiyo xafiiska hanti dhowrka inay cadeeyaan maadama aysan jirin lacag dowladda ka baxda oo aan marin xafiiskaas.

Balse Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka Somalia Dr. Nuur Faarax Jimcaale, ayaa cadeeyay in lagu xad-gudbay sharcigii dalka u yaallay kadib markii la baal-maray qaabkii loo gudbin lahaa miisaaniyadda.

Miisaaniyaddan oo dhan 201 Milyan oo dollar, ayaa la qorsheeyay inay ka bilaabato April iyadoo ay ku egtahay December.

Miisaaniyada ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa waxaa uu ka yar yahay middii sanadkii 2016, iyadoo dhowaan Baarlamaanka Soomaaliya uu dib u celiyay miisaaniyada saddexda bilood ee uu soo bandhigay Wasiirka Maaliyadda.

Miisaaniyada sanadkan 2017 waxaa ku jira qarashka ku baxaya Aqalka Sare oo ah mushaaraadka ay qaadanayaan Senatorada, oo ah $3,000 Senator-kasta.

Lama yaqaan tallaabada Barlamanku ka qaadi doonaan qorshaha uu diiday Hanti dhowraha oo ku doodaya in lifaaq sharciyan uu ku lahaa laga reebay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM