Miisaaniyada Jubaland ee 2020-21 oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo ay kasoo qeyb galeen Xubnaha golaha oo uu kamid yahay Madaxweyne ku xigeenka koobaad.

Ugu horayn Wasaarada Maaliyada ayaa golaha usoo bandhigtay miisaniyada Sanadka 2020-2021 iyadoo akhrin iyo ka doodis dheer kadib ay golahu ansixiyeen waxaana miisaaniyadu ay dhan tahay 25,032,449,70 taas oo ka kala imanaysa meelo kala duwan.

Waxaa kale oo golahu uu doodii ugu danbaysay ka yeeshay xeerka Cusub ee hormarinta Jubaland oo ay soo gudbisay Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah waxaana golahu uu ku ansixiyay cod buuxa.

Madaxtooyadda Jubaland

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM