Miisaaniyadda Ciidamada xooga oo la kordhinayo [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Saadiq Xirsi Salaad [Saadiq Warfaa], Gudoomiyaha Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sanadka soo socda ee 2019, loo kordhin doono ciidamada xooga dalka Miinsaaniyadda ku baxda sanad walba.

Sababta ugu wayn oo ay u sameynayaan arrintaan ayuu ku sheegay baahi loo qabo in la dar-dar geliyo dhismaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, si ay noqdaan kuwa tayo leh, islamarkaana dalka ka saari kara Xoogaga Al-Shabaab.

Xilldhibaan Sadiiq Warfaa ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kala hadli doono Madaxweynaha dalka, ahna Taliyaha guud ee ciidamada xooga dalka, iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

"Si loo helo ciidamo xoog leh oo uu dalkaan yeesho waa in la kordhiyaa Miinsaaniyadda ku baxda, oo Wasaaradda Gaashaandhiga la siiyaa waxay u baahan tahay, si loo dhiso ciidamo Soomaaliyeed," ayuu Xilldhibaanka u sheegay warbaahinta.

Hadalka Xilldhibaan Sadiiq Warfaa ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo ciidamadda xooga dalka ay yihiin kuwa isku diyaarinaya in amaanka guud ee dalka ay kala wareegaan kuwa AMISOM, oo qorshuhu yahay inay isaga hayaamaan wadanka sanadka 2022-ka.

Dowladda Imaraaadka oo dhaqaalo badan ku bixin jirtay dhisitaanka ciidamada Soomaaliya ayaa hadda jaratay, kadib khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay labadda dhinac, taasoo sababtay inay hoos u dhacaan adeegydda qaar ee ciidamada.

Tan iyo xiligaas, dowladda Soomaaliya ayaa raadineysay taageero cusub, iyo dal buuxiya booska uu Imaaraadku faarujiyay, waxaana ay qorshahaas hordhigtay dowladaha Turkiga iyo Qadar, oo hadda loo arko saaxiibo aadka ugu dhow xukuumadda hadda jirta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM