Miisaaniyadda dowladda ee 2022 oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 iyo Guddiga fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey in Mudane Cabdulqaadir Aadan Maxamuud loo magacaabo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dalka.

Wasiiradda ayaa kula dardaarmay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha in uu dardar geliyo shaqada loo igmaday, waxa ayna uga mahad-celiyeen Agaasimihii Hore ee Hay’adda Mudane Maxamed Aadan Koofi shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey'adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga hoos ku xusan u magacabay fulinta wareegtadii Madaxweynaha ee ku saabsanayd ilaalinta dhulka danta-guud;

1) Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Mukhtaar Gudadaha Gudoomiye
2) Wasiirka Caddaaladda: Mudane Cabduqaadir Maxamed Nur

3) Wasiirka Amniga Gudaha: Mudane Cabdulaahi Maxamed Nur

4) Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare: Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM