Miisaaniyadda Galmudug ee 2022-ka oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Qoraalka madaxtooyada dowladda Galmudug laguma xusin tirada saxda ah ee miisaaniyada.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada DGM oo galabta ku qabsoomay aqalka Madaxtooyada Galmudug.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Miisaaniyadda Dowladda Galmudug ee 2022, Xeerka Biyaha iyo xaaladaha biyo la’aaneed ee soo food saaray deegaanada Galmudug.

Golaha wasiirada ayaa dood iyo falannqeyn kadib ansixiyay Miisaaniyadda 2022 ee Dowladda Galmudug iyo Xeerka Biyaha. Qoraalka madaxtooyada Galmudug laguma xusin tirada saxda ah ee miisaaniyada.

Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka sidii degdeg wax loogu qaban lahaa dadka ku dhaqan deegaanada Galmudug ee dhawaan biyo la’aanta baahsan ay soo food saartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM