Miisaaniyadda Jubaland ee 2021-2022 oo la meelmariyey

Image
Image
Image
Kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubaland ayaa la saadaaliyey in sanadka soo socda uu gaari doono 60%.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlada Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam, ayay golahu dood dheer ka yeesheen miisaaniyada sanadka oo ay soo gudbisay Wasaarada maaliyada.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed, ayaa golaha la wadaagay hormarka dhinaca wax soo saarka iyo dib u dhiska dhinaca dhaqaalaha ah kaas oo  wax badan ka badali doona xaalada deegaanka sanadaha soo socda.

Wasiirku wuxuu sheegay in kobaca dhaqaalaha iyo wax soo saarka Jubaland uu sanadka soo socda ee 2022 uu gaari doono 60% taas oo kamid ah yoolasha ay wasaaradu hiigsanayso.

Miisaaniyada sanadka 2021-2022 ayaa gaaraysa 40,301,997.05 taas oo ka kala imanaaysa dhinacyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM