Mooshin laga diyaariyey sharci la filayo in uu qalinka ku duugo Farmaajo

Image

LONDON, UK – Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka waddanka Ingiriiska ayaa waxay gudbiyeen mooshin ka dhan ah Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo ay meelmariyeen labada aqal ee xeer-dejinta dalka.

Golaha Shacabka ayaa wax ka bedelka hindise sharciyeedkan wuxuu ansixiyey 8-da bishii July ee sanadkii lasoo dhaafay 2019-kii.

Aqalka Sarre oo dood adag ka yeeshay xeerka kahor inta uusan marin ayaa cod wadar ogol ah ku aqbalay 14-kii Janaayo, 2020.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu haatan horyaalaa, kaasoo la filayo in uu saxiixo si loogu soo saaro faafinta rasmiga ah.

Liz Saville Roberts, oo hogaaminaya xubnaha soo jeedinta miiska saarey ayaa ku doodaya in sharciga uu yahay mid ay ku jiraan qodobo liddi ku ah xorriyadda uu qofka u leeyahay in uu hadlo.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayuu xusay in uu siinayo awood ay ku farageliso shaqada wariyaha iyo warbaahinta madaxa banaan, taasoo "baalmarsan xeerarka dunida".

Balse wuxuu soo dhaweeyay in xeerka uu wax badan ka qabanayo faafinta wararka been abuurka, naceybka, dhiiragelnta qabyaaladda iyo ku tumashada dhaqanka Soomaaliyeed.

Hogaamiyaha dalka ayuu ku booriyey in uu dib kaga fekero in uu saxiixo sharciga isla markaana uu xaqiijiyo in uu waafaqsan yahay dastuurka iyo shuruucda caalamka.

Ururada Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa mar sii horeysay dalbaday in aan la ansixin sharciga oo ay tilmaamay "in uu caqabad ku yahay shaqadda warbaahinta madaxa banaan".

Sidda ay shaacisay Amnesty, dowladda madaxweyne Farmaajo oo ku sifowday laaluush bixin iyo cabsi gelin ayaa noqotay xukuumadii ugu xumeyd ee soo marta saxaafada madaxa banaan ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM