Mooshinka Farmaajo iyo Dhaliisha Labada ku Xigeen Midkeebaa Sax ah?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka, ee baarlamaanka Federaalka ah ayaa shalay gudbiyey mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Farmaajo.

Gudoomiyaha gollaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdirixmaan ayaa gudoomey mooshinkan ka dib marki la sheegay in uu buuxshey shuruudihi looga baahnaa.

Hasa ahaatee, waxa shir-jaraaid qabtey labadiisa ku xigeen oo sheegay in uusan mooshinkaasi ansax ahayn, iyagoo ku tilmaamey dacwad siyaasadeed, aan gollaha la horkeeni karin.

Muudey iyo Cawad ayaa isku dhinac noqday, iyagoo kasoo horjeystay Mursal, waxaana ay qorsheynayaan sida ay wararku sheegayaan mooshin Gudoomiyaha xilka looga qaadayo.

Gollaha Shacabka ayaa tan iyo horaantii sanadkan kusoo jiray is-qab-qabsi iyo khilaaf siyaasadeed, waxaana Mursal oo ku yimid awoodda doorasho la qabtey markii uu Jawaari is-casiley isna hadda wajahayaa marxalad adag.

Mursal oo xafiiska jooga 8 bilood ayaa kahor yimid qorshooyinka Villa Somalia, gaar ahaan kala diristii Guddiga Maaliyadda iyo sida ay Xukuumadda u wajahday doorashada Koonfur Galbeed, oo saddex jeer dib u dhac ku yimid sababo la xiriirra faragelin lagu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM