Mowqif mideysan oo laga qaatay guddiyadda doorasho ee DF shaacisay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba iyo tobban kamida murashaxiinta xilka madaxweynaha doorashadda 2020-21 ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah uga hor-yimid guddiyada dowladda u magacowday maamulka coddeynta soo aadan.

War-saxaafadeed wadajir ah oo siyaasiyiintan soo saareen ayay ku sheegeen guddiyada lagu daray saraakiil sirdoon iyo shaqaale ka tirsan Madaxtooyadda taasoo ka hor-imaaneysa habraaca magacaabida guddiyadda.

"Annagoo ah musharraxiinta xilka madaxweynaha dalka ee magacyadoodu hoos ku xusanyihiin, waxaan garowsannahay in dalku uu ku jiro marxalad kala guur siyaasadeed ah oo muddada dastuuriga ah ee hay’adaha sharci dejinta iyo fulinta ay sii dhamaynayso sida uu dhigayo Qodobka 60aad ee Dastuurka, lagana cabsi qabo inuu dalku galo firaaq Dastuuri ah oo sababi kara burbur guud oo ku dhaca nimaadka dowladnimo, hadii aan si degdeg ah loo xaqiijin madax bannaanida guddiyada iyo dhammaan howl-wadeenada ka shaqeynaya hir-gelinta doorasho hufan oo leysla oggolyahay, kuna dhacda muddada kooban ee harsan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Hadaba si loo suurto geliyo in xilliga kala-guurka Baarlamaanka 10-aad looga gudbo Baarlamaanka 11-aad uuna ku hirgasho si sharciyeysan, wadar-oggol ah, nabad iyo xasillooni siyaasadeed ku dheehantahay, waa in la dhowraa mabaadii’da iyo xudduudaha muhiimka ah ee hannaanka doorashada 2020/2021 iyo heshiiska siyasadeedkii ee Nidaamka Doorashada Dadban 2020/2021 oo ay wada gaareen Madaxda Dowladdda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, uuna meel mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uusan firaaq awoodeed ugu immaan jiritaanka hay’adaha Dowladda, sida ku cad farqada 1aad, Qodobka 60aad ee Dastuurka".

"Sidoo kale, iyadoo laga duulayo dadaalladii lagu bixiyay wada-tashiyadii lagu gaaray heshiisyadii siyaasadeed ee hannaanka doorashada dadban oo ku salaysnaa in heshiis loo dhanyahay lagu wajaho talada doorashada, ayaan si xooggan u DIIDANNAHAY dhismaha Guddiyada Doorashooyinka kadib markaan xaqiiqsannay in Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay xubnaha guddiyada doorashooyinka u soo xuleen Shaqsiyaad ka tirsan NISA, Madaxtooyada iyo shaqsiyaad kale oo aad loogu yaqaan taageerada madaxweynaha iyo kooxdiisa, arrintaas oo si cad uga hor imaaneynsa madaxbannaanida hannaanka doorashada iyo in doorasho hufan ay dalka ka qabsoonto 2020/2021," ayay hoosta ka xariiqeen.

Tartameyaasha ayaa ku daray: "Hadaba, waxaan halkaan ku cadaynaynaa in soo xulista iyo magacaabista xubnaha guddiyadu aysan waafaqsananayn heshiisyadii siyaasadeed ee hore loo gaaray, mabaadii’da dowliga ah, Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee dalka, isla markaana aanan aqbali doonin inaan qeyb ka noqonno hannaan doorasho oo loo qaabeeyey boob iyo ku shubasho doorasho taas oo si cad uga hor imaaneysa Qodobbada 11aad iyo 12aad ee Dastuurka iyo mabaadii’da guud ee matalaadda shacabka".

"Ugu dambeyn, waxaan si mas’uuliyadi ku jiro ugu baaqeynaa in si deg deg ah loo soxo xad- gudubyada lagu sameeyey heshiiska iyo hannaankii wada oggolka ahaa ee doorashada 2020/2021 oo ay kamidka yihiin habka loo soo xulay dhammaan guddiyada doorashada ee labada heer dowladeed oo ay ku jiraan xubnaha guddiyada Somaliland, si loo xaqiijiyo in doorashadu ku dhacdo hannaankii lagu heshiiyay iyo waqtigii loo asteeyey," ayay kusoo xireen bayaanka.

Magacyada Musharrixiinta Madaxweyne ee ku mideysan Go’aanka ayaa kala ah

1) Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
2) Hassan Sheikh Momahud
3) Hassan Ali Khaire
4) Sharif Hassan Sh. Adan
5) Dahir Mohmud Gelle
6) Abdirahman Abdishakuur Warsame
7) Abdinasir Abdille Mohamed
8) Abdulkadir Cosoble Ali
9) Mustaf Sh. Cali Dhuxulow
10) Hussien Abdi Halane
11) Abdikarim Hussein Guuleed
12) Mohamed Abirahman (Siiriin)

Dhanka kale, mid kamid ah murashaxiintan oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyey in siyaasiyiinta ay mabda' ahaan isku raacsan yihiin qoraalka balse faafintiisa ay kasoo horumartay iyadoo aan lagu heshiin.

"Maadaama qoraalo kala duwan lasoo kala saarey, murashaxiinta qaarkood waxay u arkeen in aysan muhiim ahayn in la baahiyo mowqif mideysan," ayuu yiri murashaxaan codsaday in aan la adeegsan magaciisa.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa sidii madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo u difaacan lahaa kursigiisa, waana sababtay ay galaangalka culus ugu yeelaneyso xulista xubnaha guddiyada doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM