Mucaaradka Villa Somalia oo soo dhaweeyay go'aanka dowlad goboleeyada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shan Xisbi siyaasadeed, oo fadhigoodu yahay Muqdisho, ayaa maanta soo saarey war-saxaafadeed wadajir ah, oo ay kusoo dhaweeyeen natiijadda Shirkii madaxda dowlad goboleedyada ee shalay lagu soo afjaray Kismaayo.

Xisbiyada oo ay hogaaminayaan qaarkood mas'uuliyiin sare oo isagu jira kuwa hore xilal uga soo qabtey dowladihii hore iyo kuwa hadda kamid ah dowladda Federaal ah ayaa sheegay inay taageersan yihiin war-murtiyeedkii Shirka Kismaayo.

Waxay daboolka ka qaadeen inay la qabaan madaxda dowlad goboleedyada walaaca ay ka qabaan horumar la'aanta dhinacyada amniga, Siyaasadda iyo garsoorka, oo ah arrimo waaweyn oo ay ku fashilintay dowladda haatan jirta.

Xisbiyada waxay sidoo kale soo dhaweeyeen shirka aaya ka talinta ee lagu qaban doono magaalada Garoowe, ee caasimadda Puntland bishii October ee 2018, waxaana ay ku baaqeen madaxda dowladda Federaalka inay saxdo tabashada maamullada.

HOOS KA AKHRI BAYAANKA XISBIYADDA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM