Mudaaharaad mar kale ka dhacay magaalada Beledwayne

Image
Image
Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Isu-soo-bax ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ka dhacay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan kaasoo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah.

Qaar kamid ah mudaaharadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay banaanbaxooda uu salka ku hayo dalab ku aadan in lasii daayo dhalinyaro lagu xiray dibadbaxyadii hore.

"Hadii aan lasii deyn waxaan adeegsan doonaa awoodeena," ayay sheegeen dhowr kamid ah mudaaharadayaasha kuwaasoo ka digay in hoos loo dhigay codkooda.

Muuqaalo laga soo duubay banaanbaxyadda ayaa muujinaya in dadka shacabka ah ku qaylinayeen erayo ay uga soo horjeeda maamulka HirShabelle si gaar ah madaxweynaha.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in warbaahinta Beledwayne lagu wargeliyey in aysan baahin karin banaanbaxyada ka dhanka ah hogaanka HirShabelle.

Beledwayne ayaa wajaheysay xaalad xasilooni darro ah tan iyo markii Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed loo doortay hogaanka cusub ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Xukuumadda federaalka ayaa dhowr jeer isku dayday in ay awood ku aamusiso dadweynaha taasoo ka dhalatay isku-dhaca shacabka iyo ciidamadda isla markaana dhiig uu halkaas ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM