Mudaaharaad mar kale ka dhacay magaalada Beledwayne

Image
Image
Image

BELEDWAYNE, HirShabelle - Isu-soo-bax ayaa Khamiista maanta ah wuxuu ka dhacay magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan kaasoo ay ka qeybgaleen boqolaal dadweyne ah.

Qaar kamid ah mudaaharadayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay banaanbaxooda uu salka ku hayo dalab ku aadan in lasii daayo dhalinyaro lagu xiray dibadbaxyadii hore.

"Hadii aan lasii deyn waxaan adeegsan doonaa awoodeena," ayay sheegeen dhowr kamid ah mudaaharadayaasha kuwaasoo ka digay in hoos loo dhigay codkooda.

Muuqaalo laga soo duubay banaanbaxyadda ayaa muujinaya in dadka shacabka ah ku qaylinayeen erayo ay uga soo horjeeda maamulka HirShabelle si gaar ah madaxweynaha.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in warbaahinta Beledwayne lagu wargeliyey in aysan baahin karin banaanbaxyada ka dhanka ah hogaanka HirShabelle.

Beledwayne ayaa wajaheysay xaalad xasilooni darro ah tan iyo markii Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed loo doortay hogaanka cusub ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Xukuumadda federaalka ayaa dhowr jeer isku dayday in ay awood ku aamusiso dadweynaha taasoo ka dhalatay isku-dhaca shacabka iyo ciidamadda isla markaana dhiig uu halkaas ku daatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM