Muddo kordhin loo sameeyay magacaabida wasiiradda Jubaland

Image

KISMAAYO, Jubaland – Baarlamaanka maamul goboleedka Jubaland ayaa maanta oo Sabti ah kulan wuxuu ku yeeshay xaruntiisa magaaladda Kismaayo.

Fadhigan oo kamid ah kuwa caadiga ah ayaa waxaa soo xaadirtay 57 mudane, sidda ay sheegtay xogheynta guud ee Aqalka Wakiiladda.

Ajendaha kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa ka doodista muddo kordhin loo sameynayo magacaabida Golaha Wasiiradda cusub ee maamulkaas.

Madaxtooyadda oo codsiga muddo kordhinta gudbisay ayaa qoraal ay ku dalbaneyso waxay u dirtay guddoonka xeer-dejinta.

Suldaan Cabduqaadir Xaaji Maxamuud [Luga-dheere], madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulkaas ayaa ku saxiixnaa warqadda.

Cabdi Baaley Xuseen, ku xigeenka labaad ee afhayeenka baarlamaanka Jubbaland, ayaa wuxuu Xildhibaanadda u akhriyey warqadda.

Dalabka muddo kordhinta ayey Madaxtooyadda u cuskatey in madaxweyne Axmed Madoobe uu "ku mashquulsan yahay arrimo ay dib-u-heshiisiin kamid tahay".

"Sidaas awgeed, waxaan codsanayaa muddo 90-casho ah si aan ugu soo dhisno xukuumad tayo iyo aqoon leh oo u adeegta bulshadda Jubaland," ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntii, mudaneyaasha oo cod u qaadey codsiga Madaxtooyadda ayaa ku meelmariyey cod wadar ogol ah, sidda uu ku dhawaaqay shir gudoonka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM