Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo cunada "ka soomay"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow Cali oo loo garan og-yahay Abuu Mansuur ayaa wuxuu ka soomay cuntadii, sidda wararka ka imanaya magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay kusoo waramayaan.

Gudoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaaladda oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa tibaaxay in Abuu Mansuur uu tan iyo ilaa Khamiistii ka sooman yahay cuntada.

Yuusuf Xasan Mursal oo tan iyo markii Mukhtaar Roobow la xiray u ololaynayay sidii loo sii dayn lahaa ayaa intaasi ku daray in ninkaasi oo ku dhawaad saddex sanadood u xiran Dowladda Dhexe aanan cidina loo ogolaan inay aragto, sidoo kalana aanan wax maxkamad ah la soo taagin.

Illaa hadda ma ay jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda oo ku saabsan cunnada la sheegay inuu ka soomay Mukhtaar Roobow.

Abuu Mansuur ayaa la xiray bishii December ee sannadkii 2018-kii xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo lasoo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodey in sababta loo xiray ay tahay "in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM

Sayid Macalin Daa'uud oo mar kale lagu xukumay dil toogasho

Maxkamadda Rafcaanka Gobalka Banaadir ayaa go'aankan gaartey Arbacada maanta ah.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:42PM