Mukhtaar Roobow: Bini'aadam ayaan ahay ma ahi bahal

Image
Wasiirka Arrimaha Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya ayaa difaacay go'aanka uu uga noqdey xukuumada federaalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka, Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa wareysi uu hoygiisa Muqdisho ku siiyey The Guardian uga waramay arrimo kala duwan.

Roobow oo lagu soo tababaray dalka Afgaanistaan ​​xiligii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa Soviet-ka ayaa xabsi guri ugu jiray dowladdii Farmaajo intii u dhaxeysay 2018 illaa 2022-dii.

"Ma jirto wax kiis maxkamad ah oo waligey la igu soo oogey," ayuu yiri Roobow oo aaminsan inuu ka badbaaday isku day dil oo la doonayay in lagu khaarijiyo intii uu xabsiga ku jiray.

Abuu Mansuur ayaa doorkiisa dowladda ku tilmaamay "wacyi-gelin dhanka fikirka ah," kuna boorinayo culimada in ay ka hadlaan Al-Shabaab si ay “soo celiyaan Islaamka saxda ah kana hortagaan fikirka khaldan".

Isaga oo sii hadlaya, Roobow ayaa ku adkeysanaya in muddo dheer uu khilaaf dhanka fikirka ah kala dhaxeeyay xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, islamarkaana uusan raali ka aheyn "arxan darrada ay wadaan".

"Waan ku khilaafay dhaqankooda iyo akhlaaqdooda," ayuu hoosta ka xariiqay. "Waxaan ahay bini'aadam, ma ahi bahal," ayuu sii raaciyaa isaga oo u muuqda mid difaacaya isbadalka ku yimid mowqifkiisa.

Jariirada laga leeyahay Ingiriiska ee The Guardian ayaa caddeysay in wareysiga ay la yeesheen Roobow uu ka dambeeyay kadib codsi si gaar ah uga yimid madaxwaynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waxay marti-qaad u fidisay wariyeyaal kala duwan oo reer galbeed ah. Ujeedada ayaa lagu macneeyay si ay fariinteeda uga iibiso deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah.

Beesha Caalamka ayaa saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya marka ay timaado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo bixinta taageero maaliyadeed oo lagu socod-siiyo shaqooyinka dowladda federaalka.

Maamulka Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May, 2022 wuxuu qaadey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Guulo ayuu ka sheegtay howlgaladaas. Balse wuxuu wali maaro u la'yahay qaraxyadda iyo dilal gaadmada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM