Mukhtaar Roobow oo laga dejiyay Muqdisho, loona gacan geliyay NISA

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow, oo kamid ah Musharixiinta Koonfur Galbeed oo saaka ciidamada Itoobiye ay ku xireen Baydhabo ayaa laga soo dejiyay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Sarkaal katirsan Sirdoonka dowladda Federaalka ayaa uu sheegay Warsidaha Garowe Online in Roobow lagu keenay Muqdisho diyaarad gaar ah, oo Baydhabo kasoo qaadey, kadibna lagu wareejiyay hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Xariga Mukhtaar Roobow ayaa horseeday dagaal dhiig ku daatey oo maanta ka dhacay Baydhabo, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Ciidamado Musharaxa taabacsan ayaa la sheegay inay weerareen fariisamo ay degan yihiin ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka.

Inta la xaqiijiyay illaa 4 qof oo uu ku jiro Askari Itoobiyan ah ayaa ku geeriyootey dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo, kaasoo lagu soo waramayo in hadda uu joogsaday, balse ay xiisadda wali taagan tahay.

Waxaa wadooyinka lagu arkayaa taangiyo iyo gaadiidka dagaalka ciidamada Itoobiya, iyadoo dadweyne dibadbax dhigaya ay jidadka ku jareen dhagxaan, kuwaasoo careysan xariga Roobow.

Dowladda Federaalka ayas horey u shaacisay in hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab uusan xaq u lahayn inuu ka qeybgalo doorashada Koonfur Galbeed, sababo ay ku sheegtay in ay wali saaran tahay xayiraada caalamka.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayso doorashada Koonfur Galbeed, kadib markii labo musharax oo hubeysan ay uu dirtay Baydhabo iyo ciidamo boolis ah kuwaasoo xiisad ka abuuray magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM