Mukhtar Roobow oo kulamo siyaasadeed kawada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mukhtaar Roobow [Abuu Mansuur], oo bishii August ee 2017 isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kawada olale uu isagu soo sharaxayo xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa waxaa la filayaa inuu Muqdisho ku qabto kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiinta, Xilldhibaanada iyo Wax-garadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo usoo bandhigi doono inuu hami uga jiro xilka Madaxweynaah dowlad goboleedkam.

Xilldhibaan Maxamed Xasan, oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa qiray inay jirto inuu Roobow qorsheynayo isku soo taagida xilka, laakiin uusan wali si rasmi ah ugu dhawaaqi arrinkaas.

“Waa run inuu xilkaas damac uga jiro. Balse, wali ma uusan ugu dhawaaqin si rasmi ah. Marka waxaan sugaynaa inaan marka uu ku dhawaaqo,” ayuu Xilldhibaanka Qadka Telafoonka ugu sheegay Warsidaha Garowe Online, xafiiskiisa Magaalada Muqdisho.

Mar aan wax ka waydiinay jiritaanka kulamadda lafilayo inuu maalmaha soo socda ka dhacaan Muqdisho, ayuu Xilldhibaanka cadeeyay inuu la kulmi doono Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo ku jira Baarlamaanka Federaalka.

“Waa run inuu kulamo ku qaban doono Muqdisho, kuwa kalena uu horey ugu qabtay. Waxaana uu la yeelamayaa Xilldhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwa dowlad goboleedka, siyaasiyiinta,” ayuu Xilldhibaan Xasan ku daray hadalkiisa.

Doorashadda Koonfur Galbeed ayaa dhacaysa sanadkaan, waxaana jira siyaasiyiin isku baheystay inay meesha ka saaraan Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasoo xilka Madaxtooyadda Koonfur Galbeed hayay tan iyo markii maamulkaan la dhisay.

Olalaha uu wado Mukhtaar Roobow, ayaa waxaa loo arkaa mid cadaadis xoogan saaraya Shariif Sakiin, maadaama Roobow uu kasoo jeeda Beelaha awood qaybsiga ugu badan ku leh Koonfur Galbeed, inkasta oo aanan laga hor-dhici Karin waxa dhici doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM